Noqoshada gacansaarle hoose ama qof xiriir hoose leh waxay muujinaysaa in aad u heellan tahay in aad qaabdhismeedka barnaamijka Help Me Grow dhex geliso ama ku dhex darto bulshadaada, iyadoo hadafku uu yahay in la habeeyo ama la diyaariyo nidaam ka kooban khayraad ama adeegyo bulsho oo ay heli karaan dhammaan qoysaska iyo daryeeleyaashu.

WithinReach waxay Gobolka Gacansaar uga leedahay sidii barnaamijka Help Me Grow looga hirgelin lahaa Gobolka Washington, iyadoo maaraysa dhaqangelinta barnaamijka Help Me Grow oo la socota tayada iyo isku sinnaanta dadaalka ka socda gobolka oo dhan. War dheeraad ah ka hel kaalinta ama doorka hay'adda WithinReach..

Faa'iidooyinka ku jira gacansaarka hoose ama xiriirka hoose waxaa ka mid ah suuqgelinta ama xayaysiinta iyo wadaxirirrada, sida isticmaalka magaca iyo summadda barnaamijka Help Me Grow iyo helitaanka agabyo kaladuwan oo uu soo saaray barnaamijka qaran ee Help Me Grow National; bulsho waxbarasho oo lagu helo gargaar farsameed, fursado tababbar iyo taageero hirgelin; agabyo iyo khayraad, iyadoo la geli karo qaybaha loogu talagalay oo keliya gansaarleyaasha hoose ee baraha internetka barnaamijka Help Me Grow ee Washington iyo Help Me Grow National ee qaran; iyo taageerada dhanka qareenimada.

La xiriir barnaamijka Help Me Grow ee Washington si aad wax uga barato kaalimaha iyo masuuliyadaha soo raaca gacansaarka hoose iyo sida ay bulshadaadu u wanaajin karto helitaanka khayraadka ama adeegyada daruuriga ah ee loogu talagalay carruurta iyo qoysaska. Si aad macluumaad dheeraad ah u hesho, fadlan iimayl noogu soo dir halkan HMGWA@withinreachwa.org.