Shabakadda barnaamijka Help Me Grow ee Washington waxaa ku jira waalidiin, daryeeleyaal, adeeg bixiyeyaal iyo xirfadleyaal nooc walbe ah. Waxaan soo dhawaynaynaa dhammaan dadka danaynaya in ay nagu soo biiraan ee taageersan dhisidda nidaam habaysan oo ka kooban khayraad bulsho oo carruurta ka cawiya in ay caafimaad ku koraan. Waa kuwan qaar ka mid ah hababka aad kaga qayb gali karto; waxaan sii wadi doonnaa in aan boggan cusboonaysiinno oo aan ku darno fursado cusub.?

Noqo gacansaarle hoose (sub-affiliate): Gacansaarka hoose ama xiriirka hoose ee la yeesho waa iskaashi rasmi ah oo lala galo ururka gacansaarlaha gobolka ee barnaamijka Help Me Grow ee Washington, oo ah hay'adda WithinReachIskaashigani waxuu keenayaa in taageero toos ah oo laga bixiyo hirgalinta laga helo hay'adda taageero toos ah oo laga bixiyo hirgalinta laga helo hay'adda WithinReach WithinReach si gobolku uu barnaamijka Help Me Grow ugu keeni karo bulshadooda. 

War dheeraad ah ka hel gacansaarka hoose

 

Kooxaha Waxqabadka ee Gobolka: Barnaamijka Help Me Grow ee Washington waxuu leeyahay lix Kooxo Waxqabad oo isku keena xubnaha shabakadda si ay uga wada hadlaan habaynta iyo hirgalinta mid kastoo ka mid ah qaybaha dhexe ee barnaamijka Help Me Grow. Kooxahani waxay u furan yihiin dhammaan xubnaha shacabka.

War dheeraad ah ka hel Kooxaha Waxqabadka

Warsidahayaga iimaylka ku hel oo kula soco wararka iyo khayraadka ugu dambeeyey ee barnaamijka Help Me Grow! Su'aalo ama walaacyo?

Is Qor In Aad Hesho Warsidaha